Janaraalkii Hoggaaminaayay ciidanka Iska-caabbinta Yemen oo iskaga Baxay Dalkaas.

Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Jen. Tareq Saleh oo hoggaaminayay ciidanka Iska-caabbinta Yemen oo sidoo kale ahaa guddoomiye ku-xigeenka golaha hoggaamiye dawladda la aqoonsanyahay ee Yemen, ayaa lagu warramaya inuu ka baxsaday Yemen , doona ku galay dalka Eritrea, ka dib markii Xuutiyiinta ay la wareegeen magaalada uu ku sugnaa ee Mukha (Mocha) oo ah magaalo istaraatiji ah oo ku taal galbeedka Yemen , kuna dhow Baab al-Mandab.

Ilaha u horreeyay ee baxsashada Jen. Tareq Saleh, soo bandhigay waxaa ka mid ah telefishinka Ruushka ee RT oo sheegay ninkan oo hoggaaminayay ku dhawaad toban kun oo askari oo markii hore taageerro ka heli jiray Imaaraadka Carabta in lagu jebiyay keliya dagaal socday wax ka yar 24 saac, halka wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay inuu Jen. Tareq Saleh oo ah wiil uu adeer u ahaa madaxweynihii hore ee Yemen, Cali Cabdalla Saleh uu ku amray ciidamada uu watay inay ka hor leexdaan Xuutiyiinta oo ay u guuraan goobo ammaan ah oo ka baxsan meelaha ay ku wajahanyihiin Xuutiyiinta ee xeebaha Badda Cas iyo Baab al-Mandab, balse ma jirto ilo kale oo si rasmi ah usoo bandhigay inuu u baxsaday dalka Eritrea.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo si adag uga Hadlay Askarigii Sida foosha Xun loogu dilay Sh/dhaxe.

Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ahna Musharraxa Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, ayaa si adag uga hadlay falkii foosha xumaa ee ka...