Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamed Korsaar, ayaa maanta kormeeray xero ka mid ah xeryaha Ciidanka Dowladda ee ku taalla duleedka magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaalka ciidamada, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan feejignaanta, isku-duubnida iyo diyaar-garowga, si loo xaqiijiyo amniga Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.


