Talaado 8 Sep 2026 {HMC}Â Shimbir ka mid ah kuwa guur-guura ee u kala goosha qaaradaha Afrika iyo Yurub ayaa ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee degmada Bandar-bayla, gobolka Karkaar, sida ay sheegtay Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.
Shimbirtan oo loo yaqaan Xuur-cadda (White Stork), magaceeda saynisna yahay Ciconia ciconia, ayaa sidday summadda UK43.
Wasaaraddu waxay sheegtay in shimbirtu ku dhalatay 7-dii May 2026 magaalada Szécsény ee dalka Hungary, halka 10-kii June lagu suntay summadda UK43 iyadoo 34 maalmood jirta.
Sida wasaaraddu sheegtay, shimbirtu waxay 87 maalmood kaddib gaartay deegaanka Dhuudo, iyadoo soo martay masaafo dhan 5,180km.
Soomaaliya ayaa ku taalla marinka socdaalka shimbiraha ee loo yaqaan African-Eurasian Flyway, waxaana inta badan dalka soo gaara shimbiro guur-guura bilaha Agoosto ilaa Oktoobar.
Xuur-caddadan ayaa ugu dambeyn 5-tii Sebtembar 2026 ku geeriyootay deegaanka Dhuudo.
Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa bulshada ugu baaqday in la soo wargeliyo haddii ay la kulmaan duurjoog calaamadeysan ama u baahan gargaar.


