Arbaco 19 Aug 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka dhulka Xogga dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdulahi Cumar Gen Khaalid ayaa Shalay galab gaaray Aaga deegaanka Teedaan Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Gen Khaalid oo ah taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya ayaa Ciidanka gaarsiiyay Fariimo uu ka siday Madaxda sare ee dalka kuwaas oo ku aadan dardargelinta howlgalada militari ee ka socda Hiiraan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan halkaan gaysay Ciidan xoogan kadib markii kooxda Al shabaab ay qabsatay deegaanka Teedaan oo la sheegay in Ciidanku Xeelad Melletari ay dib uga soo gurteen.

