Talaado 18 Aug 2926 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Gayfa ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo iyo fariisimo ay Khawaarijtu gabaad ka dhigteen, halkaas oo ay sidoo kale ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka waxaa si guuleystay u fuliyay geesiyaasha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ee xoogga dalka kuwaas oo si gaar ah u bartilmaameedsaday goobihii ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen.

