Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney kasta oo disha ama qabata askari Mareykan ah, kadibna u soo dhiibta dowladda.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ragga sameeya arrintaas iyagana la siin doono $30,000, oo uu sheegay inay u dhiganto 5 bilyan oo oo lacagta Iran ah.
Hatami ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay shir loo qabtay munaasabadda Maalinta Saxafiyiinta.
Waxa kale oo uu sheegay in qofkii ku guuleysta inuu dilo askari Mareykan ah la siin doono abaalmarin laba jibbaaran iyo hub cusub. Hubkaas, ayuu sheegay, in lagu keydin doono matxaf loogu talagalay in lagu xuso dadka falalkaas sameeya.

