Talaado 29 Sep 2026 {HMC} Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran, Mohsen Rezaei, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku jiro xaalad cakiran oo uusan awoodin inuu wada-hadal galo iyo inuu dagaal qaadoba.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Trump uu wajahayo cadaadisyo dalka gudahiisa iyo dibadda ah, waxaana Mareykanka kusoo fool leh doorashooyinka bisha Octobar, Iran ayaa wali muujinayso inay awood leedahay ay isku difaacyo.

