Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka hadlay khilaafka Hirshabeelle, kuna baaqay wada-hadal.

Axad 13 Sep 2026 {HMC} Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in maamulka dowladda uu mas’uul ka yahay xasillooni-darrada siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo maamul ee ka taagan Hirshabeelle, gaar ahaan arrimaha la xiriira awood-qaybsiga iyo hoggaanka maamulka, wuxuuna ku baaqay in khilaafaadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.

Wuxuu sheegay in beesha Xawaadle ay wadatashi la yeelanayso bulshada iyo beelaha kale ee saamaynta ku leh Hiiraan, si loo gaaro mowqif mideysan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo hoggaanka gobolka.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in haddii la yiraahdo Xawaadle ma jiro, ay taasi si toos ah u taabanayso jiritaanka Hiiraan, isaga oo dhinaca kale ku dooday in haddii Hiiraan la iska indho-tiro, Shabeellaha Dhexe ay iyaduna wajihi karto dood la mid ah.

“Haddii Xawaadle la inkiro, waxay ka dhigan tahay Hiiraan ma jirto, annagana Shabeellaha Dhexe ma jirto ayaan leenahay,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Isagoo ka hadlayay muranka ku saabsan hoggaanka Hirshabeelle, Sanbaloolshe wuxuu sheegay in taageerada ama aqoonsiga siyaasadeed ee loo muujiyo madaxweynaha maamulka, Cali Guudlaawe Xuseen, uusan keligiis soo afjarayn khilaafka jira.

Wuxuu tilmaamay in arrintu ka weyn tahay cidda haysa xilka madaxweynaha Hirshabeelle, ayna taabanayso qaabka loo dhisayo maamulka, awood-qaybsiga iyo xuduudaha siyaasadeed ee loo arko inay ka tirsan yihiin Hirshabeelle.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Mareykanka oo Dalbaday in La Xiro Dadkii Weeraray Sawir-qaadaha Washington Post ee Daanta Galbeed.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Safiirka Mareykanka u fadhiya Israel, Mike Huckabee, ayaa dalbaday in la xiro oo sharciga lala tiigsado dadkii weeraray sawir-qaade...