Axad 13 Sep 2026 {HMC} CNN ayaa soo bandhigtay waxyaabihii dhacay inta uu socday duulaankii Xuutiyiinta ay maalin ka hor ku qabsadeen marin-biyoodka Bab al-Mandab;
Markii uu bilowday duulaanka Xuutiyiinta , dawladda uu Sacuudiga taageerro ee Yemen waxay si deg deg leh u codsadeen in la fuliyo weerarro duqeyn cirka ah oo la billaabo subaxnimadii Khamiista, xilligaa Xuutiyiinta ayaa si xooggan ugu sii socday magaalada dekedda istiraatiijiga ah ee Mokha, balse inta ay horumarkaa sameynayeen Xuutiyiinta oo ay jebinayeen difaacyadii ciidanka isbahaysiga , ma jirin wax taageerro ah oo ay ka heleen Sacuudiga oo ahaa cidda ay ku tiirsnayeen.
Sarkaal sare oo dawladda Yemen ka tirsan , wuxuu CNN u sheegay markii Xuutiyiinta awoodooda oo dhan ay dhinacooda ku soo jeediyeen inay la xiriireen Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), waxaana loo sheegay in Mareykanku si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana taageerada cirka ee Sacuudigu ay soo socoto.
“Laakiin taageeradii cirka weligeed ma imaan,waxaana aragnay Xuutiga oo gudaha u galaya magaalada Mukha.”
Saacado ka dib, Jimcihii, Xuutiyiintu waxay qabsadeen goob kale oo muhiim ah oo ku yaalla xeebta, waana jasiiradda Mayuun, oo ku taalla afka laga galo Gacanka Cadmeed iyo bartamaha marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Jasiiraddu waxay Bab al-Mandab u kala qaybisaa laba dhinac, taasoo Xuutiga iyo Iiraan siinaysa awood dhab ah oo ay ku maamulaan marin kale oo muhiim u ah maraakiibta ganacsiga.
36 saacadood , ayay Xuutiyiinta ku gaareen hami ay lahaayeen muddo ka badan 10 sanno oo ah in goobaha istaraatijiga ah ee Yemen gacanka ku dhigaan.
“Xuutiyiintu uma baahna halka ay hadda joogaan hub casri ah inay adeegsadaan si ay u xiraan Bab al-Mandab. Waxay xitaa adeegsan karaan madfac saaran gaari,” ayuu CNN u sheegay Amr Al-Bidh, oo ah sarkaalka ugu sarreeya ciidanka uu Imaaraadka taageerri jiray ee Koonfurta Yemen (STC).
Warbixinta CNN ayaa soo bandhigtay arrin kale oo la yaab leh.
Sida degdegga ah ee Mokha ugu dhacday gacanta Xuutiga iyo iska-caabbintii lagu joojin lahaa Xuutiga oo meesha ka maqnayd,waxay dhalisay in xulafada Mareykanka ay is eedeeyaan.
“Guuldarradan ma ahayn mid ay Yemeniyiintu sabab u ahaayeen,” ayay ilo gobolka ah CNN u sheegeen. “Waa musiibo ay dhaliyeen Washington iyo Riyadh.”
Isha ayaa CNN u sheegtay in waxa dhacay ay ahayd guuldarro buuxda oo dhinaca hoggaanka siyaasadda ah,iyadoo warbixintu sheegtay Sacuudigu inuu xilligaa ku jiray xaalad ay awooddi waayeen si dhaqso ah inay go’aan u qaataan.
“Ma jirin xitaa hal duqeyn oo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sacuudiga, inkastoo xaaladda si daqiiqad-daqiiqad ah loola socday,” ayay ishaasi tiri. Waxaana lagu tilmaamay waxa ka dhacay Yemen guuldarro aad u weyn oo wada gaartay Sacuudiga iyo Mareykanka.
Hase yeeshee, qof walba sidaas uma arko. Mohammed al-Basha, oo horey usoo noqday la-taliye ka tirsan dawladda Mareykanka iyo shirkado gaar loo leeyahay oo ku saabsan khataraha ka soo baxa Jasiiradda Carabta, ayaa qaba in mas’uuliyadda ay sidoo kale saaran tahay hoggaamiyeyaasha Yemen, kuwaas oo kala qaybsanaantooda gudaha ay wiiqday difaaca goobaha ay qabsadeen Xuutiyiinta.
“Tani waxay dib ugu laabanaysaa dhibaato qoto dheer oo ka jira isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta,” ayuu CNN u sheegay. “Ma jirin isku-duubni siyaasadeed.”
“Waxaan filayaa in qof walba uu ka warqabay in Xuutiyiintu u dhaqaaqayaan dhanka xeebta galbeed. Calaamaduhu aad bay u caddaayeen,” ayuu yiri. “Yemen kama jiro talis iyo nidaam mideysan oo ciidanka lagu maamulo.”
Markii Xuutiyiintu Khamiistii gaareen Mokha, waxay halkaas ku heleen cutubyo ciidan oo Yemen ah oo si weyn u wiiqmay. Liisaska ciidamada waxaa ku jiray magacyo been ah oo mushaar qaata, halka tirada dhabta ah ee ciidamada ay ahayd qiyaastii 20% keliya tirada lagu sheegay ciidanka goobaha joogay, iyadoo 80% aysan jirin ,kuwaasoo ahaa magacyo been abuur ah oo loo diiwaangeliyay si lacagta mushaarka loo musuq maasuqo.
CNN, waxay sheegtay xaaladda galbeedka Yemen inay sii xumaysay in Imaaraadka Carabta, oo hore uga tirsanaa isbahaysiga Sacuudiga ee Yemen, uu ciidamadiisii ugu dambeeyay Yemen kala baxay bishii January, ka dib markii Sacuudigu ka dalbaday inay baxaan sababo la xiriiray khilaaf.
Sacuudiguna ma buuxin saldhigyadii iyo goobihii ciidamada ay Imaaraadku ka baxeen.
“Macno ma samaynayso. Waxaad haysataa dalkii ugu weynaa ee taageerayay ciidamada dhulka ka dagaallamaya, kuwaas oo muddo 10 sano ah shaqadan waday, dabadeed si lama filaan ah ayaad uga dalbanaysaa inay baxaan, adiguna ma buuxinaysid booskii ay ka tageen,” ayuu Al-Bidh oo ka tirsan Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen yiri. “Tani waa istaraatiijiyad la’aan iyo maamul xumo.”
Markii CNN ay weydiisay waxa xiga, Al-Basha, oo ah falanqeeye khataraha gobolka, wuxuu yiri: “Waxaan filayaa in Xuutiyiintu u dhaqaaqi doonaan dhanka bari. Waxaan maanta ku aragnaa sawirrada dayax-gacmeedyada iyo xogaha OSINT-ka (sirdoonka laga helo ilo furan) in Xuutiyiintu ciidamo ururinayaan

