Jimco 18 Sep 2026 {HMC}Â Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun.
Kulanka oo ku dhacay jawi saaxiibtinimo iyo is-afgarad leh, ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga. Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, kana jawaabta xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo isbeddellada ka socda gobolka iyo caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga iyo xasilloonida, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in mudnaanta Dowladda Federaalka ay tahay dhismaha ciidan qaran oo tababaran, qalabeysan, awoodna u leh difaaca dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amniga qaranka.
Admiral Dong Jun ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee Soomaaliya ka gaartay amniga, dowlad-dhiska iyo tayeynta ciidanka qaranka. Wasiir Fiqi ayaa dhankiisa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyey taageerada soo jireenka ah ee wax-ku-oolka ah iyo garab-istaagga joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta is-afgaradyada jira, lana sii ballaariyo iskaashiga difaaca iyo amniga, si xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka tara nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

