Sabti 19 Sep 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Issack Mohamed Issack (Korsaar), oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarumaha cusub ee dhowaan la dejiyey ciidamada.
Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Abaan-duulaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Saldhigga iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in Wasiirka iyo saraakiishu ay indha-indheyn ku sameeyaan xaaladda xarumaha cusub, goobaha ay ciidamada ku sugan yihiin iyo adeegyada loo diyaariyey, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xoojinta howlaha amniga iyo daryeelka ciidamada.
Wasiirka ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan sugidda amniga, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo diyaar-garowga ciidamada.

