WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xooga Dalka oo Gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Kooxda AS.

Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed iyo amni darrada.

Intii uu howlgalka socday ciidamada Danab waxay burburiyeen laba xarumood oo loo adeegsan jiray ururinta canshuuraha sharci-darrada ah waxayna gacanta ku dhigeen 3 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ciidamada Kumaandooska Danab waxay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...