Wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya oo Booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey wafdi ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayey U-qeybsanaha Arrimaha Ciidamada, Kornayl Ben Ramsay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka, gaar ahaan daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo qoysaskooda.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta nidaamka Medical Evacuation (MEDEVAC), si loo helo adeeg gurmad iyo daad-gureyn caafimaad oo joogto ah, habeysan, degdeg ah, isla markaana si hufan uga jawaaba xaaladaha caafimaad ee ciidamada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey xoojinta tababarrada shaqaalaha caafimaadka, tayeynta qalabka caafimaad iyo isku-xirka adeegyada caafimaadka, iyadoo la isla qaatay in la sii wado wada-shaqeynta lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Kumaandooska Turkiga iyo Soomaaliya oo sameeyay dhoola Tus wada Jir ah.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Ciidamada Kumaandooska Turkiga iyo Guutada Gorgor ee Soomaaliya ayaa sameeyay tababar lagu xoojinayay adkaysiga iyo awoodda hawlgal ee ciidamada....