Wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Dalka Maraykanka.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray Dalka Maraykanka, waxaana lagu wadaa in Madaxweynuhu uu ka qaybgalo Shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Wafdigaan oo Magaalada Muqdisho ka raacay Diyaaradda Turkish Airlines Turkiga tagaya kaddib waxa ay kasii raaci doonnaan diyaaradda ay ku tagayaan Maraykanka iyaga oo safarkaas ku qaadan doonna in ka badan 18 saac.

Kalfadhiga 81aad ee Qaramada Midoobay ayaa furmay 8dii Bishaan, Doodaha ay ka qaybgalayaan Madaxda waxa ay qabsoomayaan 22ka Bishaan, waxaa dhinac socda shirar doceedyo ay si kooban isugu arkayaaan madaxda kala duwan.

Shirka ayaa gabi ahaan lasoo gabagabayn doonnaa 28ka Bishaan iyada oo laga soosaari doonno warmurtiyeed ku saabsan qodobada looga hadlay sida ay uu sheegay Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo si kooban xogtaan u soo gudbiyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeedin doonna khudbad uu uga hadlayo xaaladda Dalka sida Amniga, howlgalka AUSSOM, taageerista ciidanka qalabka sida iyo qodobo kale.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Hogaamiye Aadan Madoobe oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada...