Ugaas Yuusuf – Wuxuu ugaas u yahay qoom libaaxyo ah (Macawiisley) oo ay dawacooyin daroogeysan heleen.

Khamiis 1 Octber 2026 {HMC} Beledweyne; 2016 Ugaas Cabdiraxman wuxuu u dhintay talo xumada reerkiisa, isaga oo shir taagan ayuu wadnaha istaagay.
Beledweyne; 2016 Ugaas Xasan isaga oo leh war ka jooga “Wax kale looma socdo oo aan ka ahayn in magaca Hiiraan lagu baddalo Hirshabelle, Beledweynena la hoos geeyo Jowhar” ayaa lagu hor dhaqaaqay.

2021 Ugaas Xasan waxay tii rabbi u timid isaga oo marqaati ka ah “ Hiiraan oo aan madaxweyne iyo caasimad midna haysan” kuwi ku hor dhaqaaqay midkoodna uusan xil hayn.

Ugaas Yusufow taladi laga diiday Aabahaa Ugaas Xasan laguma faa’idin, oo maanta caasimad iyo madaxweyne midna lama hayo, (Waxa leysku dilayo waa ku xigeen) waan hubbaa in aan lagu faa’idi doonin talada maanta laga diiday ee dawacooyinka u ducee, kana haajir Hiiraan.

W/Q Ayaanle Xuseen Cabdi 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Warbaahinta madaxa bannaan oo loo diiday in ay tabiso doorashada Maanta laga bilaabay deegaanada Hirshabelle.

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay inay si toos ah u tabiso doorashada maanta ka...