Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Shiinaha oo Iiraan ka gacansiiyay xogaha maraakiibta isticmaasho Marinka Hormuz, taas oo sababtay in Iiraan ay beegsato maraakiibta amarkeeda Diiday.
Sawirrada dayax-gacmeedyada iyo xogta sirdoon ee ay bixiyeen kooxo Shiinees ah ayaa Iiraan ka caawiyay inay halis geliso maraakiibta maraya Marinka Hormuz, isla markaana ay si sax ah weeraro ugu bartilmaameedsato saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida ay CNN u sheegeen afar ilo wareed oo xog-ogaal ah.
Qiimeyno sirdoon oo dhowaan ay sameeyeen hay’adaha Mareykanka ayaa muujinaya in Dowladda Iiraan ay bilihii la soo dhaafay horumar weyn ka samaysay awooddeeda aqoonsiga iyo bartilmaameedsiga goobaha ay doonayso inay weerarto.

