ONLF oo sheegtay inay door firfircoon ka qaadatay wada-hadallada qaran ee Itoobiya.

Wednesday, 16 Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Jabhadda Xoreynta Qaranka Ogaadeeniya (ONLF), garabkeeda ku sugan gudaha Itoobiya, Cabdirakiim Sheekh Muuse oo loo yaqaan Qalbi-dhagax, ayaa sheegay in ururku door firfircoon ka qaatay geeddi-socodka wada-hadallada qaran ee Itoobiya, isagoo sheegay inay halkaas ku gudbiyeen arrimo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in wada-hadallada qaran ee Itoobiya loo bilaabay wax ka qabashada caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa qaab-dhismeed ee muddada dheer ka jiray dalka, isla markaana geeddi-socodka loogu talagalay inuu noqdo mid loo dhan yahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ururku si firfircoon uga qaybgalay wada-hadallada, isagoo soo bandhigay arrimo uu ku tilmaamay kuwo aasaasi u ah bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in ka-qaybgalka ONLF uu horseeday in qaar ka mid ah qodobadaas lagu daro ajandayaasha geeddi-socodka wada-hadalka.

Dhanka kale, Qalbi-dhagax ayaa beeniyay warar sheegayay in ONLF ay isbahaysi la samaysatay koox lagu magacaabo “Tsamdo”. Wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ayna ka tarjumayn mowqifka ururka. Wuxuu sidoo kale sheegay in wararka noocaas ah aan loo fasiran karin inay metelaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Isagoo ka hadlayay isbeddelka siyaasadeed ee ONLF, Qalbi-dhagax wuxuu sheegay in ururku uu ka jawaabay baaqii nabadeed ee dowladda Itoobiya kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dhacay, isla markaana uu soo afjaray halgankii hubaysnaa.

Wuxuu sheegay in ONLF ay markii dambe qaadatay waddo siyaasadeed oo nabadeed, ayna ka qaybqaadatay doorashadii guud ee toddobaad ee Itoobiya, halkaas oo ay ku guulaysatay kuraas baarlamaan.

Guddoomiyaha ONLF ayaa sidoo kale sheegay in nabaddii ka dhalatay soo afjaridda dagaalladii hubaysnaa ay fursad u abuurtay horumarro bulsho iyo dhaqaale oo uu sheegay in laga dareemayo Dowlad Deegaanka Soomaalida. Wuxuu sheegay in ururku doonayo in nabadda la xoojiyo, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dowladda federaalka iyo dhinacyada kale si loo taageero geeddi-socod nabadeed oo waara.

Qalbi-dhagax ayaa sidoo kale hoggaamiyayaashii hore ee TPLF ku eedeeyay inay door ku lahaayeen xasillooni-darrada iyo khasaaraha nafeed ee ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida ka hor isbeddelladii siyaasadeed ee Itoobiya. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dhinacyadaas ay weli isku dayayaan inay dhibaatooyin amni ka abuuraan deegaanka.

Marka laga yimaado garabka ONLF ee heshiiska nabadeed la galay dowladda Itoobiya, waxaa jira garab kale oo dibadda ku sugan oo you hoggaamiyo nin la yidha, Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi, kaas oo aan ku qanacsanayn siyaasadaha dowladda Itoobiya iyo kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Garabkan ayaa weli sheegta inuu metelo ONLF, waxaana xubno ka tirsan ay dhowaan sheegeen in dib loogu noqon karo halgankii hubaysnaa, arrintaas oo dhalisay dhaleecayn uga timid madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya “Lama aqbali karo beegsiga Xaramka.”

DFS ayaa si adag u cambaareysay isku day weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu bartilmaameedsaday magaalada barakeysan ee Maka, kaas oo...