Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay sii hayaha Safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka, Mudane Justin Davis iyo Sii-hayaha cusub ee Safaaradda, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.
Labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sida ay labada dhinac uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga baarlamaannada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sii hayaha Safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka Mudane Justin Davis uga mahadceliyey adeeggiisii qiimaha lahaa iyo kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, waxaana uu si diirran u soo dhaweeyey Marwo Stevens-Klitz, isagoo caddeeyey sida ay uga go’an tahay in la sii adkeeyo lana kobciyo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka.

