Maxeey ka wada Hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.?

Axad 13 Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladadood, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyey taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda marxalidihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safiirka ay si wadajir ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada iyo Iskaashiga labada dal.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xisbiga JSP oo Cali Guudlaawe siiyay kaarka musharraxa xisbiga ee doorashada hoggaamiyaha Hirshabeelle, Xili Khilaafka Maamulkaas uu sii Xoogeeystay.

Axad, 13, Sep 2026 {HMC} Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), si rasmi ah u siiyay kaarka musharraxa...