Madaxweyne Xasan Shiikh oo muqdisho kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka.

Jimco 11, Sab 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Gudomiyaha hay’adda Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah iyo xoojinta nabadda, wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka mawaaqifteeda taageridda, Midnimida iyo Madaxbnaanida Soomaliya iyo doorka ay ka qaadato horumarinta bulshada , isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi xooggan oo lagaga hortagayo fikradaha xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Xuutiyiinta Yemen, oo Shaaciyay waxa ay doonayaan in ay ku gaaraan dagaalka.

Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Maxamed Bukhaiti ayaa waraysi maanta la sii daayay oo uu siiyay telefishinka Ruushka ee RT, wuxuu...