Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Mudane Bassirou Diomaye Faye, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Mudane Muhammad Shehbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha dalka Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.

