Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, iyo Madax kale.

Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha Serbia, Mudane Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Mudane Bassirou Diomaye Faye, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Pakistan, Mudane Muhammad Shehbaz Sharif iyo Dhaxal-sugaha dalka Kuwait Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi iyo arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dhinacyadaasi.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “ Gen Khaalid”...