Sabti 3 October 2026 {HMC} Sida ay sheegtay Madaxtooyada Masar, Madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Eriteriya & Suudaan ayaa yeelanaya shir gaar ah oo kaga wada hadlayaan arrimaha gobolka ee ay wada daneynayaan, gaar ahaan xaaladda Geeska Afrik & Amniga Badda Cas.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay gobolka ka jiraan isbeddello iyo xiisado siyaasadeed iyo amni, gaar ahaan xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea, khilaafaadka Itoobiya iyo Masar, iyo xaaladaha ka jira Sudan iyo Soomaaliya.

