Arbaco 13-October, 2026 {HMC} – Soomaaliya: Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada isaga oo fulinaaya waajibaadkiisa sharci, ayaa Liiska Qaran ee Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman ku daray shakhsiyaad lagu asteeyey inay ku lug leeyihiin maalgelinta iyo taageeridda ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Guddiga waxaa ka go’an xoojinta dadaallada lagu ciribtiraayo maalgelinta argagixisada, laguna adkaynaayo hirgelinta cunaqabataynta maaliyadeed ee cayiman, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka ayaa Guddigu ku daray shakhsiyaadka hoos ku xusan Liiska Qaran ee
Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman:-
1. Abdiaziz Hassan Mohamed “Laftagareen”
2. Hassan Abdulkadir Mohamed
3. Mahad Abdirahman Adan “Shub”
4. Ibrahim Adan Ali “Najah”
5. Hassan Abdi Mohamed “Ugaas Hassan”
6. Abdullahi Ali Watiin
7. Abdifatah Mahad Abdirahman
8. Abdimajid Mowlid Hassan
9. Amiin Mad Daruur
10. Abshir Aden Isak
Sidaa darteed, dhammaan hay’addaha warbixinada ee ku xusan qodobka 4aad ee sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda & la-dagalaanka maalgelinta argagaxsida,
muwaadiniinta Soomaaliyeed & shaqsiyaadka ama hay’addaha kale ee jooga gudda Soomaaliya: –
1) Waxaa ka reeban in ay la macaamilaan shaqsiyaadka ku jira liiskan
2) Waxaa waajib ku ah in ay xayiraan hanti kasta ay leeyihiin shaqsiyaadka ku xusan liiskan;
3) Waxaa sidoo kale waajib ku ah in warbixin deg deg ah ee dhaqdhaqaaqyada (transactions) shaqsiyaadkan u diraan Xarunta Warbixinada Maaliyadda, Financial Reporting Center (FRC).
Dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in ay mamnuuc tahay xiriir kasta oo dhaqaale ama fududayn ah oo loo sameeyo shaqsiyaadka kor ku xusan, iyada oo ciddii jebisa go’aanka Guddiga lala tiigsan doono xeerarka la-dagaallanka argagixisada ee dhaqangalka ah.


