Khamiis 1 October 2026 {HMC} Koox Shiinaha ah oo wax ku jabsata internet-ka ayaa iska dhigay khubaro Maraykan ah oo ku takhasusay garaad-gacmeedka (AI) iyo saraakiil hore oo ka tirsanaa dawladda Maraykanka. Waxay emails been-abuur ah u direen dadka iyo khubarada Maraykanka ee ka shaqeeya dejinta siyaasadaha AI, samaynta xeerarka lagu maamulo AI-ga iyo go’aaminta teknoolojiyadaha AI ee loo oggolaan karo in dibadda loo dhoofiyo, sida ay baahisay CNN.
Hackers-ku waxay dadkaas ugu direen emails u muuqday dalabyo iskaashi ama inay kala shaqeyn karaan howlaha ay gacanta ku hayaan. Markii qofku raaco dalabkaas, waxaa loo gudbinayay bog internet oo been-abuur ah, kaas oo loogu talagalay inuu awooddo inuu u gudbo xogta ku jirta computer -ka ama Laptop-ka. Illaa 10 qof oo mar horaba lagu beegsaday ololahan ka dhanka ah siyaasad dejiyaasha garaad-gacmeedka (AI) ee Mareykanka.
Shirkadda amniga internet-ka ee Proofpoint ayaa sheegtay in ujeeddada ololahan aysan u muuqan oo keliya in lagu xado teknoolajiyadda AI. Waxa ay u muuqatay in hackers-ku ay doonayeen inay helaan xog ku saabsan qorshayaasha iyo siyaasadaha Maraykanka ee AI-ga, gaar ahaan sida dowladda Maraykanku u dejinayso xeerarka AI-ga iyo sida ay u xaddidayso ama u oggolaanayso dhoofinta teknoolajiyaddaas.

