Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo ku boorriyeen Maamulka Trump in uu sii joogteeyo xannibaadda dhanka badda ee uu saaray Iiraan.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Wargeyska The Wall Street Journal ayaa wariyey in dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay ku boorriyeen Maamulka Trump inuu sii joogteeyo xannibaadda dhanka badda ee uu saaray Iiraan, uuna sii wado cadaadiska ka dhanka ah Iiraan.

Inkasta oo dalalkani ay diidan yihiin in mar kale uu dagaal qarxo, haddana labada dal ayaa doonaya in xannibaadda dhanka badda ee Iiraan sii socoto illaa Iiraan lagu qasbo in ay qaadato heshiis cusub.

Arrintan ayaa imanaysa xilli dowladda Qatar oo ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha ay dooneyso in toddobaadka danbe lagu kulmo Cumaan, halkaasna lagu saxiixo heshiis dib loogu furayo Marinka Hormuz, Colaaddana laga heshiiyo, sida uu wargeysku qoray.

Trump ayaa toddobaadkan sheegay in uu filayo in labada dhinac ay mar kale kulmaan dhowaan, taasi oo muujisay in ay jiraan dadaallo socda oo isku soo dhoweynaya labada dhinac.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...