Iiraan oo shuruudaha ay dib ugu furayso marinka Hormuz ku soo dartay joojinta weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa shuruudaha ay dib ugu furayso marin-biyoodka Hormuz ku soo dartay joojinta weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Jen.Xuseen Mohebi ayaa sida ay maanta baahisay wakaaladda waraka Iiraan ee Fars , wuxuu sheegay in shuruudaha Iiraan ee dib loogu furi karo Hormuz iyo soo afjaridda xaaladda hadda jirta ay ka mid yihiin:

•In dagaalka gebi ahaanba la joojiyo.
•In la joojiyo hanjabaad kasta oo cusub oo loo jeediyo Iiraan.
•In ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Lubnaan.
•In la soo afjaro go’doominta Yemen.
•In Iiraan loo fasaxo 23 bilyan oo doollar oo ka mid ah hantideeda la xannibay.
•In aan la faragelin barnaamijyada iyo awoodda nukliyeerka iyo gantaallada Iiraan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “ Gen Khaalid”...