IIraan oo sheegay in marinka Hormuz aan la furi doonin inta uu xukunka haayo Madaxweyne Trump.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC} Mohammad Baqer Zolghadr oo ah la-taliyaha dhanka siyaasadda hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonayn in uu furo marinka Hormuz inta uu Donald Trump xukunka hayo.

Bayaan ay Khamiistii daabacday wakaaladda wararka Iran, ayuu Mr. Zolghadr ku sheegay sidan, “Ummaddani waxay go’aansatay in ay jabiso geeska cadowga gardarrada wada oo ay dhabarka ka jabiso kuwa kibirka badan.”

Wuxuu intaas ku daray in marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu laga “tuurayo” “kursiga,” isagoo sheegay in tani ay tahay “marxaladda koowaad ee aargoosiga Iran.”

Donald Trump ayaa sii wada hadallada is-khilaafsan ee ku saabsan dagaalka Iran halka gudaha Iran lagu kala qeybsan yahay in dagaalka la sii wado ama wadaxaajood lala galo Mareykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee siyaasadda dalka, sida Massoud Pezhikian iyo Mohammad Bagher Qalibaf, ayaa ku baaqaya in Maraykanku dib ugu laabto qodobbadii Is-afgaradka Islamabad, ayna taas u arkaan shuruud hordhac ah oo lagu joojin karo dagaalka, xubno ku adag mowqifkooda, oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, ayaa ka hadlay sii wadidda dagaalka iyo in marinka Hormuz sii xirnaado, iyagoo taas u arka hab wax-ku-ool ah oo looga hortagi karo Maraykanka iyo Israel.

Dhanka kale, sicir-bararka, cunaqabateynta dhaqaale, iyo go’doominta badda ee lagu hayo dakadaha koonfurta Iran ayaa xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta dalka sii adkeeyay. Hoos u dhaca qiimaha Rial-ka Iran marka loo eego lacagaha caalamka ayaa sidoo kale cadaadis dheeraad ah saaray xaaladaha nololeed ee reer Iran.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

16 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Dalka Pakistan.

Jimco 18, Sep 2026 {HMC}  Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ka mid ah dadka dhintay saraakiil boolis ah. Gaari walxaha...