Axad 4 Oct 2026 {HMC} Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa Xarunta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ku saxiixay warbixinnada Hantidhowrka ee baarista hay’adaha iyo mashaariicda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay JFS xubin ka tahay.
Warbixinnada waxaa Hantidhowraha Guud soo gaarsiiyay Mudane Simion Lenkaa Lolgisoi, Madaxa Hantidhowrka Gudaha ee Xoghaynta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Warbixinnadu waxay khuseeyaan Xoghaynta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Golaha Xeer-dejinta Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), Guddiga Kiswahiliga Bariga Afrika (EAKC), Guddiga Sayniska iyo Teknolojiyadda Bariga Afrika (EASTECO), Guddiga Cilmi-baarista Caafimaadka Bariga Afrika (EAHRC), Guddiga Biyo-Harada Victoria (LVBC), Ururka Kalluumeysiga Harada Victoria (LVFO), Hay’adda Kormeerka Badbaadada iyo Ammaanka Duulista Rayidka (CASSOA), iyo mashaariic kale ee Bulshada Bariga Afrika.
Warbixinnadan uu Saxiixay Hantidhowraha Guud ee JFS waxa ay isugu jiraan Baaris Gaar ah, Baarista Nidaamyada Macluumaadka iyo Baaris Waxqabad oo ku saabsan Midowga Lacagta Bariga Afrika (EAMU), iyo sidoo kale warqadaha maamulka ee ka dhashay hawlaha baarista.
Saxiixa warbixinnadan Hantidhowr waxa ay qayb ka yiihiin dhammaystirka hawlaha baarista ee heer gobol iyo doorka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee xoojinta daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hay’adaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

