Arbaco ,23 Sep 2026 {HMC}Â Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa maanta kormeer ku tagay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta amniga caasimadda Muqdisho, adkaynta difaaca iyo kor u qaadista wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Intii uu socday kormeerka, Kusimaha Madaxweynaha waxaa ku weheliyay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha Maxkamada iyo Taliyaha Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxda ayaa si wadajir ah dhagax-dhigay xarumo cusub oo xabsi ah, kuwaas oo loogu talagalay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo qeyb ka ah horumarinta iyo tayeynta kaabayaasha cxds.
Kormeerka iyo kulanka ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso xoojinta hay’adaha amniga, horumarinta awoodda ciidanka iyo adkaynta amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalka.

