Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo war hor leh shaaciyey

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa xaqiijiyay in Iran ay farriimo iyo shuruudo u dirtay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal.

Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Iran, afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in qaar ay “ka hadlaan dagaal, balse aysan lahayn aragti cad ama hannaan lagu soo afjaro dagaalka si go’aan leh. Aragtidan, oo diidaysa nooc kasta oo is-dhexgal iyo diblomaasiyadeed ah, iyadoo aan la qiimeyn fursadaha jira, waxay dhab ahaan dalka u horseedaysaa daal iyo dagaal aan dhammaanayn.”

“Waa inaan dagaallannaa, isla markaana aan wadaxaajood sameynaa,” ayuu yiri.

Qaliibaaf wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in “farriimaha la gudbiyay iyo shuruudaheenna lagu sharxay dhinaca kale si cad, iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.”

Wuxuu sheegay in ilaa laga buuxiyo shuruudaha hordhaca ah ee Iran, “aysan jiri doonin fursad dib loogu laabto xaaladdii hore ee wadaxaajoodka ama dib loo furo Marin-biyoodka Hormuz.”

Shalay, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay in Tehran ay shuruudaheeda wadaxaajoodka u gudbisay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan, ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in dhaqaalo la siiyo bulshooyinka ay saameeyeen hawlgallada ICE.

Axad 20 Sep 2026 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo lagu doonayo in...