Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, Soomaaliya.

Talaado 13 October 2026 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka, dowlad-dhiska, xoojinta hey’adaha iyo horumarinta nidaamyada Maamulka Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta masuuliyadda hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban wasiirro oo uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,

kaas oo loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka isla markaana uu waajibaadkooda qeyb ka yahay in muddo labo bilood ( 2) ah ay kusoo diyaariyaan, Xeer-nidaamiyaha dhismaha Xukuumadda, sida uu qabo Dastuurka, xeerkaas oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo tan iyo 1968-dii, qeexayana tirada xukuumadda iyo waajibaadyada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dastuurka uu Dhaqangal yahay, fulintiisana loo marayo marxalado kala duwan, isaga oo xusay in xukuumaddu ku howlan-tahay in sannadka soo socda ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo heer Federaal ah, sida uu ku cad Dastuurka Dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Trump iska fogeeyay baari taankii lagu sameeyay guriga Xildhibaanad ilhaan Cumar,

Talaado 13-October, 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka mareykanka Donald Trump ayaa iska fogeeyay baari taankii lagu sameeyay guriga Xildhibaanad ilhaan Cumar, asigoo ku tilmaamay Qof...