Gawaaridii ugu Horeysay oo maanta iskaga kala gooshay Hargeysa iyo Laascaanood Tan iyo markii uu Dagaal ka dhax qarxan Somaliland iyo Waqooyi bari.

Talaado 22 Sep 2026 {HMC} Markii ugu horraysay tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Laascaanood ayaa Gawaari Xamuul ah oo ganacsi u kala gudubtay magaalooyinka Oog iyo Laascaanood oo ahaa aag colaadeed.

Afar Gawaari oo xamuul ah oo uu leeyahay ganacsadaha reer Laascaanood ee Maxamed Ibraahim Jabuutaawi ayaa maanta ka gudbay laamiga magaalada Oog iyagoo ku sii jeeda magaalada Laascaanood oo ah halka ay u raran yihiin.

Baabuurtan oo ka soo shiraacday Dekedda Berbera ayaa maray laamiga dhawrka sannadood xidhan ee isku xidha Oog iyo Laascaanood.

In Gawaaridani gudubto waa astaan nabadeed oo muujinaysa saxansaxada nabadda iyo bisaylka bulshada deegaamadani u qabaan nabad waarta oo deegaamadan ka dhacda.

Waddadan ayaa dagaalka ka hor maalinkasta waxa mari jiray boqolaal baabuur oo ganacsi iyo rakaab isugu jira.

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi ayaa loo arkaa nin sameeyay taariikh maadaama oo uu noqday ganacsadihii ugu horreeyay ee Gaadiidkiisa waa weyn mariya waddadan colaaddii kadib.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...