Duuliye Diyaaradeed oo isku dayay in uu burburiyo diyaaraddii uu waday oo ay Saarnaayeen 180 qof Israa’iiliyiin ah

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Duuliye Flydubai ah oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu burburiyo diyaaraddii uu waday islamarkaana uu dilo 180 qof oo rakaab Israa’iiliyiin ah

Duuliye ka tirsan shirkadda Flydubai, oo waday diyaarad ay la socdeen ku dhowaad 180 qof oo u badnaa Israa’iiliyiin, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu diyaaradda burburiyo wax yar kaddib markii ay ka duushay magaalada Dubai, sida uu qoray wargeyska The Times of Israel.

Sida warbixinta lagu sheegay, duuliyihii kale ee diyaaradda ayaa isku dayay inuu dib ula wareego maamulka diyaaradda, iyadoo xaaladdu noqotay mid halis ah.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa sidoo kale la sheegay inay farageliyeen si ay uga hortagaan duuliyaha lagu eedeeyay inuu doonayay inuu diyaaradda burburiyo.

Diyaaradda oo ku socotay Tel Aviv ayaa la sheegay in jihadeeda loo weeciyay dhanka hawada u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Urdun, halkaas oo warbixintu sheegtay in duuliyuhu doonayay inuu diyaaradda ku burburiyo.

Intii uu socday khilaafka labada duuliye, waxaa la diray koodhka 7500, oo ah koodh caalami ah oo loo adeegsado in lagu muujiyo in diyaaradda ay la kulmeyso afduub ama faragelin sharci-darro ah.

Dhacdada ayaa sidoo kale keentay in Israa’iil ay diyaarado dagaal u dirto si ay ula socdaan diyaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa markii dambe sheegay in maamulka diyaaradda dib loo soo celiyay, khartiina meesha laga saaray.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo iyo walaac ku saabsan amniga duulimaadyada iyo hababka looga hortago faragelinta gudaha diyaaradaha.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Warbaahinta madaxa bannaan oo loo diiday in ay tabiso doorashada Maanta laga bilaabay deegaanada Hirshabelle.

Khamiis 1 October 2026 {HMC} Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa warbaahinta madaxa bannaan ka hor istaagay inay si toos ah u tabiso doorashada maanta ka...