Axad, 13, Sep 2026 {HMC} Eritrea ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay inuu Afrika ka wado waxa ay ku tilmaantay “boqortooyo dekadeed”, iyadoo sheegtay in Abu Dhabi uu doonayo inuu ballaariyo saameyntiisa istiraatiijiga ah ee dekedaha gobolka.
Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in Imaaraadku uu dekedo ama xarumo dekadeed ku leeyahay qaybo badan oo gobolka ah, isagoo dalalka Afrika ugu baaqay inay isweydiiyaan sababta Abu Dhabi uu u doonayo inuu saldhigyo iyo dekedo badan uga sameysto gobolka.
Shirkadaha DP World iyo AD Ports ee Imaaraadka ayaa dano ama maamul ku leh dekedo ku yaalla Masar iyo Tanzania, iyo sidoo kale Somaliland iyo Puntland oo ka tirsan Soomaaliya.
Ballaarinta maalgashiga Imaaraadka ee xeebaha Bariga Afrika ayaa, si kastaba, la kulantay iska caabin iyo khilaafaad ka dhacay qaar ka mid ah dalalka gobolka.
Jabuuti ayaa sannadkii 2018 kansashay heshiis ay DP World kula jirtay oo ku saabsanaa maamulidda Terminalka Doraleh, halka dowladda Suudaan ay 2022 ka laabatay heshiis ay AD Ports kula gashay dhismaha deked weyn oo ku kacaysa balaayiin doolar xeebta Badda Cas.
Cismaan Saalax oo wareysi gaar ah siiyay Middle East Eye magaalada Asmara ayaa ka digay joogitaanka Imaaraadka ee dekedaha gobolka, isagoo sheegay in aysan ku koobnayn dano dhaqaale oo keliya.
Imaaraadku wuxuu 2016 saldhig militari ka sameystay dekedda Assab ee koonfurta Eritrea, isagoo saldhiggaas u adeegsaday howlgalladii militari ee Yemen, halkaas oo uu qayb ka ahaa isbahaysigii uu Sacuudigu hoggaaminayay ee dagaalka kula jiray Xuutiyiinta.
Hase yeeshee, xiriirka Eritrea iyo Imaaraadka ayaa sannadihii xigay xumaaday. Sarkaal sare oo Eritrean ah ayaa sheegay in Asmara ay diidday codsi Imaaraadku sameeyay qiyaastii 2016-kii oo ahaa in saldhig militari laga dhiso mid ka mid ah jasiiradaha Dahlak, iyadoo xaruntaas la wadaagi lahaayeen Imaaraadka iyo Israel.
Eritrea oo leh xeeb dheer oo ku taalla Badda Cas ayaa muhiimad istiraatiiji ah ku leh marin-biyoodka gobolka. Tartan ku saabsan dekedaha, saldhigyada militari iyo saameynta siyaasadeed ayaa sidaas darteed qeyb ka noqday loollanka ka jira Badda Cas iyo Geeska Afrika.

