Dhaleeceyn Xoogan ayaa ka dhalatay Kadib Markii mas’uuliyiin reer Iiraan ah ay ka qeyb galeen ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Ka qaybgalka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Iiraan ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga ee lagu qabtay Tehran ayaa dhaliyay falcelin.

Xafladda oo ka dhacday safaaradda Sacuudiga ee Tehran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku xigeenka fulinta, iyo Cali Akbar Salehi, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan.

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ku taageera dowladda Iiraan ayaa dhaleeceeyay ka qaybgalka xafladda, iyagoo ku tilmaamay “in keeg lala cuno kuwa dilaya shacabka Yemen.”

Dhaleeceyntaas waxaa sidoo kale ku celiyay daadihiyeyaasha barnaamijka “Iran Time” ee ka baxa shabakadda wararka ee Telefishinka Qaranka Iiraan.

Hase yeeshee, Mohammad Jafar Ghaempanah ayaa isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta, barnaamijkaas taleefan ugu sheegay shabakadda Khabar in ka qaybgalka xafladdu uu dhacay kaddib markii arrinta ay ogeysiiyeen mas’uuliyiinta ay khusayso ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.

Wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd “in Sacuudiga loo dhowaado iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta.”

Ghaempanah ayaa sidoo kale sheegay in intii uu kulanku socday uu ka dhiidhiyay adeegsiga saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulka Sacuudiga si loogu weeraro Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku gudbiyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee arrintaas.

XIGASHO BBC

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...