DG Puntland oo sheegtay in Hay’adaha ammaanka ay ku raad joogaan Kooxdii dishay Ganacsade Haamey

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} War hordhac ah oo kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay ku raad joogaan kooxdii dishay Allaha u naxariistee Ganacsade Axmed Yuusuf Haamey oo xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil katirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa Dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan isla markaana aanay qaadin wax tallaab ah oo ka dhan ah nabadgalayda sida beegsi lagu sameeyo dadka ay kasoo jeedaan kooxaha dilkaas lagu tuhmayo.

Puntland ayaa ku goodisay in meel weliba oo ay galaan dadkaas dilka gaystay in lasoo qaban doonno oo lasoo taagi doonno Maxkamad, halka ehelka Marxuumka iyo dadka ku heebta ah looga digay in ay faraha la galaan fal dambiyeed.

Marxuum Axmed Yuusuf Haamey waxaa la sheegay in dilkiisa uu daba socday aano qabiil, waxaana dadkii garanayay ay ku sifeeyeen Nin wanaagsan oo nabadda ka shaqeeya isaga oo caawin jiray dadka dantayar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Maxeey ka wada Hadleen Gudoomiye Jaamac iyo sii hayaha Safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka.?

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay...