Jimco 9 Oct 2026 {HMC} Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magalaada Nairobi ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Ciraaq ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ciraaq u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON), Mudane Humam Luai Al-Shaikhli.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo arrimaha kale ee ay Soomaaliya iyo Ciraaq ka leeyihiin danaha wadajirka ah.
Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay booqashada isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan arrimaha ay labada dal wada daneynayaan.

