Danjiraha Dalka Ciraaq oo Booqasho shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Jimco 9 Oct 2026 {HMC}  Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magalaada Nairobi ku qaabilay Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Ciraaq ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ciraaq u qaabilsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON), Mudane Humam Luai Al-Shaikhli.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo arrimaha kale ee ay Soomaaliya iyo Ciraaq ka leeyihiin danaha wadajirka ah.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay booqashada isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo is-dhaafsiga aragtiyaha ku saabsan arrimaha ay labada dal wada daneynayaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 29 10 2026.

Khamiis 29 Oct 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeye Soomaaliya Caalamka ee Warbaahinta HMC Somali TV. HOOS KA DAAWO WARARKII...