{DAAWO SAWIRADA} Wafdi sare oo ka socday Ciidanka Militariga Masar oo Muqdisho soo gaaray.

Talaado 15 Sep 2026 {HMC} Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen Garabey, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktrinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa Labada Talis ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Militariga Dowladda Masar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca, dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, horumarinta tababarka iyo kor u qaadista awoodda ciidanka.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay hirgelinta qaar ka mid ah heshiisyadii hore ee iskaashiga labada dhinac.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

NATO oo Diyaarado Dagaal u Dirtay Hawada Lithuania Kadib Drone la Arkay.

Axad 18 Oct 2026 {HMC} NATO ayaa Axadda maanta ah hawada gelisay diyaarado dagaal, kaddib markii wax loo maleynayo in ay ahayd drone ay...