{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo bilaawday Qorshe lagu Horumarinaayo Xeryaha Ciidamada.

Isniin 14 Sep 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Ibrahim Maxamed maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Gen. Dhagabadan, isagoo u kuurgalay xaaladda guud ee Dugsiga iyo habsami-u-socodka howlaha tababarka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa indho-indheeyay qeybaha kala duwan ee Dugsiga, isagoo warbixinno ka dhageystay masuuliyiinta xarunta, kana warbixiyay xaaladda howlaha tababarka iyo diyaar-garowga ciidamada.

Taliyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Taliyaha Tababarada iyo Doktriinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Axmed ciise Axmed iyo Taliyaha Dugsiga Gen. Dhagabadan, Korneyl Maxamed Sheekh.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xarumaha tababarka, tayeynta ciidamada iyo xoojinta diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Mareykanka oo Dalbaday in La Xiro Dadkii Weeraray Sawir-qaadaha Washington Post ee Daanta Galbeed.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Safiirka Mareykanka u fadhiya Israel, Mike Huckabee, ayaa dalbaday in la xiro oo sharciga lala tiigsado dadkii weeraray sawir-qaade...