Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo kale oo waaweyn.

Axad 12 Sep 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Gaarka ah, ayaa sheegay inay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa sheegay in goobaha ay la wareegeen ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ku sugnaa deegaannadaasi.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallo militari oo ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, iyadoo ujeeddadu tahay in dib looga riixo Al-Shabaab laguna ballaariyo deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalka uu sidoo kale ku wajahan yahay soo celinta amniga iyo maamulka dowladda, iyo in shacabka ku nool deegaannadaasi ay helaan xasillooni iyo adeegyo dowladeed.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada ay kooxdu weli ku leedahay saldhigyo iyo goobo ay ka abaabusho weerarrada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027.

Axad 12 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada...