Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska oo la shaaciyay in dhawaan ay bur buridoonto.

Axad 13 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Scotland, John Swinney, oo loo yaqaan Wasiirka Koowaad, ayaa hadal uu maanta jeediyay ku sheegay in sannad ama laba sano gudahood ay meesha ka bixi karto wixii loo yaqaanay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, isagoo tilmaamay in Scotland ay ka go’i karto Boqortooyada Midowday.

Swinney ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK, Andy Burnham, u sheegay in taariikhdu ku xusi karto inuu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee Boqortooyada Midowday.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii horraantii maanta la sheegay in hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales iyo Northern Ireland ay berri, markii ugu horreysay ku kulmi doonaan magaalada Cardiff, halkaas oo ay wadajir ugu saxiixi doonaan qaraar ay ku caddeynayaan xaqa ay u leeyihiin inay ka go’aan Boqortooyada Midowday.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay gaaraan heshiis loogu talagalay in lagu bilaabo geeddi-socodka kala-daadashada Boqortooyada Midowday.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...