BFS oo u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daklhiga Qaranka oo loo gudbiyay, waxaana u codeeyay 132 Xildhibaan, 7 ayaa diiday halka 3 ay ka aamuseen.

Sharcigaan ayaa lagu dhisayaa Hay’adda Dakhliga Qaranka, waxaana Xildhibaannada looga mahadceliyay codayntooda iyo doodihii kala duwanaa ay sameeyeen Hindisahaan intii uu marayay doodadaha Baarlamaanka.

Hay’addaan waxa ay xafiis hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya balse marka la raaco hindisahaan loona dhaqaaqo in la dhaqangeliyo waxa uu ka dhigayaa hay’ad madaxbannaan oo yeelanaysa Agaasime.

Waajibaadka shaqo ee horyaalla hay’addaan waxaa kamid ah Canshuuraha Dakhliga qofka, Dhismaha, Dhulka, Guryaha iyo wixii lamid ah, waxaana ay ka howlgalli doontaa Caasimadda iyo Gobollada Dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Maxeey ka wada Hadleen Gudoomiye Jaamac iyo sii hayaha Safiirka xilka kasii degaya ee Mareykanka.?

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay...