Banaabax Lagu Taageerayay Turkiga oo lagu qabtay Deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Isniin 14 Sep 2026 {HMC} Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa Maanta ka dhacay bannaanbax lagu muujinayay taageerada iyo mahadcelinta shacabka Soomaaliyeed ee Dowladda Turkiga.

Bannaanbaxa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Wanlaweyn iyo shacabka degmada, kuwaas oo muujiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, shacabka iyo mas’uuliyiinta ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo adeegyada bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Shan Askariy Gorgor ah oo Lacagta Arooskooda Lagu Abaal-mariyey Baydhabo.

Talaado 13 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “ Gen Khaalid”...