Isniin 14 Sep 2026 {HMC} Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa Maanta ka dhacay bannaanbax lagu muujinayay taageerada iyo mahadcelinta shacabka Soomaaliyeed ee Dowladda Turkiga.
Bannaanbaxa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Wanlaweyn iyo shacabka degmada, kuwaas oo muujiyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale, shacabka iyo mas’uuliyiinta ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga iyo adeegyada bulshada.

