Abiy Axmed oo ah hoggaamiyaha keliya ee ka socda Geeska Afrika oo qayb ka ah shir madaxeedka isbahaysiga ay hoggaamiyaan dalalka Bariga ee BRICS ee ka socdo dalka Hindiya.

Axad 12 Sep 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee ka socda Geeska Afrika oo qayb ka ah shir madaxeedka isbahaysiga ay hoggaamiyaan dalalka Bariga ee BRICS oo ka socda caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi.

Inta uu shirku socdo, Abiy wuxuu wadaa kulan dooceed uu la qaadanayo hoggaamiyeyaasha ka qaybgalaya shirka, isagoo mar horaba la kulmay madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin, madaxweynaha Iiraan, Mesed Pezeshkian, ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ra’iisul wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim iyo Amiirka Abu Dhabi, Sheikh Khaled Al Nahyan.

Abiy, wuxuu diiradda saaray iskaashi dhaqaale iyo militari, mid ka mid ah waxyaabaha cusub ee hadda uu sare u qaaday waa sidii Itoobiya ay u heli lahayd wax soosaar militari oo casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo iyo tiknoolajiyad dagaalka,iyadoo warbixin ay toddobaadkii hore baahisay wakaaladda wararka ee AFP, lagu sheegay Itoobiya inay sare u qaaday soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo gudaha lagu sameynayo.

Inkastoo ay jiraan khilaafyo gudaha uu ka wajahayo Abiy, hadana wuxuu la wadaagay hoggaamiyeyaasha uu la kulmay Itoobiya inay leedahay furado ay ugu horreeyaan dhul maalgashi lagu sameyn karo, tamar jaban, suuq ballaaran iyo iskaashiyo amni oo gobolka ah, halka uu baahiyay arrimaha uu hoggaamiyeyaasha qaar kala hadlay inay ku jirto arrimo la xiriira Badda Cas ,oo uu sheegay inay ka wadahadleen madaxweynaha Iiraan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...