Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Soomaaliya oo ka qayb gashay kulanka 176-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah ee Hay’adda UNEP
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya , oo uu hoggaaminayo Danjiraha JFS ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaanka (UNEP), Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle , ayaa ka qayb galay kulanka 176-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah ee UNEP, kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hawlaha socda ee hay’adda UNEP iyo diyaar-garowga kalfadhiga sideedaad ee Golaha Qaramada Midoobay ee Deegaanka (UNEA-8).
Intii ay socdeen doodaha, Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay xoojinta awoodda dalalka ee la qabsiga isbeddelka cimilada, helitaanka maalgelinta loogu talagalay wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, dib-u-soo-celinta dhulalka iyo deegaanka waxyeelladu gaartay, iyo wax ka qabashada caqabadaha ay ka mid yihiin abaaraha, xaalufka dhulka, lumista kala-duwanaanshaha noolaha iyo wasakhowga deegaanka.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku baaqday in diyaar-garowga UNEA-8 uu noqdo hannaan loo dhan yahay oo hufan, kaas oo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, gaar ahaan dalalka soo koraya, ay si buuxda uga qayb qaataan dejinta go’aannada iyo natiijooyinka shirka.
Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay la shaqayso hay’adda UNEP iyo dalalka xubnaha ka ah, si loo horumariyo xalal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha deegaanka, loona xaqiijiyo in aan laga tegin dalalka iyo bulshooyinka nugul ee sida weyn u saameeyaan dhibaatooyinka deegaanka iyo isbedalka cimilada

