{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Danab oo La Wareegay Deegaannada Leego iyo Jameeco ee Gobolka Baay.

Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Howlgalkan ayaa lagu burburiyey difaacyadii ay Al-Shabaab ka sameysteen aaggaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen gabbaad iyo difaac ay kaga hortagaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda.

Sidoo kale, Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la wareegay gacan-ku-haynta deegaannada Jameeco iyo Leego ee gobolka Baay.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ku wiiqayaan awoodda Al-Shabaab, kuna burburinayaan goobaha ay ka abaabulaan falalka amni-darrada ah.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sii xoojinaya howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada, iyagoo muujinaya feejignaan iyo diyaargarow ku aaddan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Fariinta Ciidanka: Al-Shabaab meelna ugama heli doonaan gabbaad ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka Kumaandooska Danab waxaa ka go’an sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Soomaaliya oo ka qayb gashay kulanka 176-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah ee Hay’adda UNEP.

Isniin 23 Nov 2026 {HMC} Soomaaliya oo ka qayb gashay kulanka 176-aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah ee Hay’adda UNEP Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...