Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku socda dib-u-dhis iyo ballaarin ciidan oo aad u xooggan.

Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Melletariga Soomaaliya ayaa u muuqda inuu si weyn uga soo kabanayo duruufihii adkaa ee soo wajahay, isaga oo galaya marxalad cusub oo lagu ballaarinayo laguna tayeynayo awooddiisa ciidan.

Tan & bilowgii Sanadkan 2026, waxaa la filayaa in Guutadii 3-aad ee Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gorgor, oo ah Guutada 23-aad, maalmaha soo socda tababar loogu qaado dalka Turkiga.

Bishii November 2025, Ciidanka Gorgor wuxuu ka koobnaa saddex guuto oo keliya, balse qorshayaasha socda ayaa muujinaya in wax ka yar hal sano gudihiis la dhisayo guutadii 7-aad.

Sidoo kale, waxaa barbar socda dhismaha iyo diyaarinta guutooyin cusub oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood durba la hirgeliyey, halka kuwo kalena ay ku jiraan diyaar-garow.

Horumarradan ayaa muujinaya dadaal xooggan oo lagu ballaarinayo, laguna tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, si uu u yeesho awood ciidan oo ka duwan tii hore.

Su’aashu waxay tahay: Soomaaliya ma waxay ku socotaa dib-u-dhis ciidan oo horseedi kara isbeddel weyn oo dhinaca amniga iyo awoodda milatari ah?

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Hindiya oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka Ka dhanka ah Kooxda AS iyo arrimaha la xiriira Difaaca dalka.

Sabti 14 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya oo ay...