Arbaco 4 Nov 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay xiriir la soo sameysay, iyagoo u soo bandhigay in labada dhinac ay joojiyaan dagaalka.
Hogaamiye Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu si cad u diiday soo jeedintaas, isaga oo xusay inuusan marnaba aqbali karin heshiis uu u arko khiyaano uu ku sameeyo shacabka uu hoggaamiyo.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inuu go’aankiisa ku adkeystay, isla markaana uusan ka tanaasuli doonin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

