Khamiis 29 Aktoobar 2026 {HMC} Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku kulmay shirkii Ruushka iyo Afrika, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Masar ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

