Arbaco 28 Oct 2026 {HMC} Doorashada Israa’iil; tirinta cododka ayaa u muuqata in la dhammeystiray. Wuxuu Netanyahu iyo garabkiisa oo hoggaaminaya doorashada ay haleen 53 kursi,halka garabka kale ee jeneraalka howlgabka ah uu hoggaaminayo, Gadi Eisenkot ay heleen Gadi Eisenkot 48 kursi,taasoo ka dhigtay in labada garab midkoodna helin natiijo uu guul ku sheegto iyo aqlabiyad uu dawlad ku dhisi karo.
Waxa taariikhda sameeyay waa Carabta Israa’iil oo xisbiyadooda ay doorashadan ka heleen natiijo cid kasta filan waa ku noqotay, markii ay noqdeen awoodda saddexaad ee cododka ugu badan doorashadan ka helay iyagoo gaaday 19 kursi, taasoo siinaysa awood ay ku jiheeyaan doorashada Israa’iil, dhinaca ay raacaan uu awood u yeelanayo inuu dawlad soo dhiso.
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, oo waxyar ka hor hadlay ayaa xisbiyada siyaasadda Israa’iil ugu baaqay inay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah si looga baaqsado doorasho kale, ka dib markii doorashadii shalay oo aan weli caddeyn xisbi ama garab awood u leh inuu soo dhiso dawlad cusub.
Herzog wuxuu sheegay inuu toddobaadka soo socda ka heli doono natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada garsooraha Maxkamadda Sare, Noam Sohlberg. Intaas ka dib, wuxuu la tashan doonaa dhammaan kooxaha ku jira Baarlamaanka Israa’iil si loo ogaado cidda fursad u leh inay soo dhisto dawlad cusub.

